tiro yar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro yar
n. phr. small number; minority
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiro_yar
cf: tirabbuur
de: small number; [ext.] minority
initial: t
lx: tiro yar
ps: np
key: tiro_yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuntub
(Cuntub-ka)
(dad, wax) tiro yar oo wadajirta; xoogaa isku duuban; xayn; hormo; koox; xirmo; (ama cutub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibin
(Gibin-ka, Gibin-ta)
1. Wax tiro yar; xig; xoogaa.
2. Wax fil yar; aan da' weyneyn.
3. Aan buurreyn; lixaad yar; (ama gaban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiiba
m.dh (-booyin, m.l) (baayoloji) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufnaanta tirada dadka
m.l (juqraafi) Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl
m.dh (-lo, m.l) (daawo) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. la-mid: dabayl¹ (5).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiig-ku-shubid
m.dh (daawo) Dhiig laga soo miiray qof caafimaad qaba oo dhiig bixiye ah (donor) oo lagu shubo aroor ka mid ah xididdada dhiigga ee qof kale oo dhiiggiisu ku fillaan waayey tiro yari ama tayo xumi awgeed oo ka iman karta shil ama cudur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaban
gaban¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Inan yar. 2. Deero yar oo lab ah. 3. G. ah: wax tiro yar. la-mid: gibin¹, gifin¹.
gaban²: m.dh (-bno, m.l) 1. Gabar yar. 2. Deero yar oo dheddig. la-mid: gibin², gifin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amiiba
m.dh (-booyin, m.l) (baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufnaanta tirada dadka
m.l (juqraafi) Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeyl
m.dh (-lo, m.l) (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. la-mid: dabayl¹: (5).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigkushubid
m.dh (daaw.) Dhiig laga soo miiray qof caafimaad qaba oo dhiig bixiye ah (donor) oo lagu shubo aroor ka mid ah xididdada dhiigga ee qof kale oo dhiiggiisu ku fillaan waayey tiro yari ama tayo xumi awgeed oo ka iman karta shil ama cudur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaban
m.l (-nno, m.dh) 1. Inan yar. 2. Deero yar oo lab ah. 3. G. ah: wax tiro yar. la-mid: gibin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
margin
/marjan/ (n) 1. geesaha warqadda; darafkeeda (bogga wax lugu qorayo geesihiisa) 2. tiro yar ka sarraysa intii la rabey (in dheeraad ah) 3. inta faa'idada ah. (ribixa).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
minoranza
s.f. - tiro yar (dad ama wax kale).
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
scarcity (n)
arbaati
tiro yaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqad
-da: (magac, dhedig, keli) kolka intii hore laga tiro yarado ee lakala biiqbiiqo. Kala biiqad ayaa ku dhacay ciidankii. Dh: tafaraaruq. Li: midaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulan
(fal) wax rifmay ama tiro yaraaday noqo. Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinayaaye.
bulan: (tilmaame) tuman oo bul leh. Maydhax bulan ii keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakutiris
-ka: (magac, lab, keli) aad iyo aad u tiro yar. Dh: dhif, naadir. Li: badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaban
-ka: (magac, lab, keli) deero yar oo lab.
gaban -ka: (magac, lab, keli) wax tiro yar.
gaban -ka: (magac, lab, keli) wiil yar; ilmo yar; inan yar. Dh: kuray.
gaban-ka: (magac, lab, keli) nin geesi ah; nin fariid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hariifo
-da: (magac, dhedig, keli) cadaawad masayr iyo nac ay minweyno u qaaddo minyaro. Dh: nacgumaar.
hariifo-da: (magac, dhedig, keli) hibasho dad tiro yar oo dad aad u farabadan la baaho iyo biiro ah. Dh: cuqdad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro atam
n. phr. atomic number {physics}
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciryar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax aan xaddi badan cunto ka qaadan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciryar
der. [adjective] having a poor appetite; frugal, sparing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciryar
-aa / ayd: (adj) having poor appetite; not gluttonous; unable to eat much food [opposite of cirwayn]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciryar
(tilmaame) mid hunguri yar; cuntacunis yar, aan wax badan cunin. Sucaad waa gabadh ciryar. Li: cirweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciryar
de: having a poor appetite; frugal, sparing
lx: ciryar
pd: (ciryaraa)
ps: adj-der
key: ciryar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
in yar
[adverbial] [expression] a little, a bit
in yar: after a while, a little later
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
in yar
(adv) a small portion, degree, or amount; bit (bit); less (les) ~ aan badnayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tiroir
tiroir, n.m. - maqalka miiska ama armaajada
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tirayya
1) essuyer, 2) compter.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tiro-da
calcul.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MIRO CAS
[MIRAAS] Grewia tembensis 01
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro cuf
Mass Number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidh yar
m.dh (botani) Geedaaley yar oo har leh; geedo isku urursan oo ku yaal meel gaar oo bannaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidh yar
Grove
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiiro gaar
note, take note of, nota bene, N.B.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiro gaar
-ah (expression): P.S. (pii-es); postscript, N.B. (nota bene), note (nowt)~F.G
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fiiro gaar
مُلاحظة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro lakab
m.dh (xisaab) Tiro maangal ah oo loo qori karo abyoone ahaan ama qaybta laba abyone. Tusaale ahaan, 1, 7, 540, 1/2 iyo 3/4 waa tirooyin lakab ah. (Barbardhig tiro lakab la').
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro sugan
Number, absolute
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro togan
Positive number
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dirottare
v.tr. - afddubid (diyaarad).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobo yar
Minor circle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobo yar
Small circle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khoor yar
Cove, Inlet
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRIQ-YAR
(Mirig-yer) N Euphorbia scoparia N.E.Br. Euphorbiaceae.
N, C Euphorbia tirucalli L. Euphorbiaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QABO YARO
Euphorbia erlangeri 01
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taran bar
Product, dot
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
time card
/taym kardh/ (n) xaashi ama kaar saacadaha qofku shaqeeyey lugu qoro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro buux
f. n. even number
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro idil
Whole number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro idil
n. phr. whole number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro kisi
m.dh (xisaab) Haraa la'aan tirada aan u qaybsami karin labo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiro_atam
de: atomic number {physics}
initial: t
lx: tiro atam
ps: np
key: tiro_atam
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHARQO YARE
Indigofera schimperi 01
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kiro, ijaar
إيجار
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
third party
/therdh-parti/ (n) qof saddexaad (sida qof arin aan si toos ah ugu lug lahayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirfoorara
m.l (jooloji) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiirfoorara
m.l (jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro dhaban
m.dh (xisaab) Abyoone haraa la'aan u qaybsama tirada laba; ama waa tiro idil oo aan ahayn kisi. Tusaale ahaan 6, 14 ama 24 waa tirooyin dhaban ah, waayo, 2 haraa la'aan bay qaybisaa tirooyinkaasi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhafan
Mixed number
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiro dhiman
Defective (deficient) number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiro dhiman
n. phr. odd number
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tlirfoorara
Stalactite